Waxay u eegtay inaad adigu is yeelyeelaysid. Sadaam Xuseen dawladdiisii reer ayaa samaystsay, tii Siyaad Barre sidoo kale, tii Qadaafi sidoo kale, tii Tigreyga sidoo kale. Kulligoodna reerihii samaystay waxay ku riyoodeen inay dagaal ku difaaci karaan. Mudane waxaan kugula talinayaa inuu caqligaagu shaqeeyo. Colaadda dhulkeena ka socotaa ma'aha video game aad madaddaalo ka dhigan karto. Adigu haddii aad dhul shisheeye dugsanayso dadkaagii ayay fitnadaasi damqaysaa. Waxaad ogaataa dalka shisheeye aad nabaddiisa iyo horumarkiisa dugsaysid in ragga asaaggaa ah ee dhulkaa u dhasay ay dhisteen adna kaagii ayaad rabtaa inaad dumiso. Ilaahayoow garaadka ha naga qaadin.