Once again I have to re-post this written wareysi of my old man. The interview was by Kasmo newspaper, taken in 2000 in Xamar. Part that deals with the assassination of madaxweyne C/rashiid.
I used to see the grey suit my old man was wearing on that fateful day in his bedroom's closet. He never wore it again. It still had the dried stain remains of madaxweyne C/rashiid's blood. When the president fell back, he collapsed back on my father, who was right next to him and held him markee nafta ka baxeysay. Rabi ha u raxmado labadoodaba, they were very close personally is what I heard. Qabrigooda talaabo ayuu isku jiraa oo Qabuuraha Qaranka ku aasanyihiin.
Here is the last opening session of dowladii rayidka in 1969 of baarlamaanka Soomaaliya. Aabo iyo marxuum C/rashiid ka muuqdo sawirka.
__________________
Kasmo: Sidaad meesha ka dareemi kartay, ma islahayd waxaa jiray dil qorsheysnaa oo la sii abaabulay?
Sh. Mukhtaar: Sidaasaa markii hore nalagu yiri, dad ayaaba loo qabqabtay. Tuhmadii
Maxamed Abshir Muuse ayaa ku jiray. Ninka wax dilay nin la dhashay oo booliiska alifle ahaa Eyl laga soo qabtay ayaa ku jiray, Sheekh Nuur Cali Colow ayaa ku jiray. Dad badan baa ku jiray oo isugu jiray wax la xiray iyo wax kor laga ilaalinaayay.
Annaga oo dhan waan qabnay dil la soo qorsheeyay inuu ahaa. Laakiin gadaal, sida la sheegaayay, ninkan wax dilay waxaa naloo sheegay, intaanan [gobollada Bari] aadin ka hor, ayaa aniga iyo C/rashiid waxaan aadnay shir dalalka Islaamka oo Marooko ka dhacayey. Inta Madaxweynihii ayaa soo baxaya la yiri, oo (Gobolka Bari) soo aadaaya, Raadiyihiina laga sheegay, ayaan ka baaqannay,oo aan Marooko aadnay.
Dad baa ka marag kacay, in ninkaan wax dilaya, inuu markaas yiri, ‘Waxaa igu fiicneyd Alleylehe C/rashiid in uunan baaqanin’.
Markii la yiri, ‘Maxaad ka rabi lahayd?’ Inuu yiri, ‘Wallaahi toddobo xabadood ayaan ku dhufan lahaa’. Markii la yiri, ‘Maxaa jiro uu kaa galabsaday?’
Wuxuu yiri, ‘Ninkii Maxamed Abshir kaarikadii (jagadii) ka qaaday sow ma'aha?"
Maxamed Abshir iyo C/rashiid ayaa siyaasaddii isla gafay. Doorashadii ayaa soo dhoweyde, markaasaa la yiri, 'Gurigaaga iska fariiso, Qoorsheel ayaan jagadii u dhiibnee.' Waxaa wasiirkii arrimaha gudaha ahaa Yaasiin Nuur Xasan. Maxamed Abshir gurigiisuu iska joogay.
Waxaa la sheegay wiilka wuxuu sidaas u leeyahay inay ahayd asaga iyo walaalkiisba reer Kismaayo ayay ahaayeen, aabahood iyo hooyadoodna way dhinteen. Islaan eeddadood ah ayaa intay soo kaxaysay
Maxamed Abshir u keentay oo u tiri, ‘ilmahaan aabbe iyo hooyo ma leh, waana qaangaareen, shaqo ayay u baahan yihiin ee shaqo sii’. Labadiiba Maxamed Abshir booliis ayuu u qoray, sababta uu sidaas u leeyahay waa saas ayay yiraahdeen.
Maxkamaddii (qaadaysay dacwadda gacan-ku-dhiiglaha) aniga waxbay i weydiiyeen, waana isaga soo kacay. Wax marag furay iyo dadkii meesha joogay aniga ma'ogi, gadaal wixii marag furay, maxaa yeelay aniga gurigaan ku xirnaa.
Kasmo: Ma aaminsan tahay arrinta dilkan waxaa kaloo lug ku lahaa raggii askarta ahaa ee uu Maxamed Siyaad horkacayay ee talada dalka la wareegay?
Sh. Mukhtaar: Maya ma qabin, mana lagu tuhmin taas. Maxamed Siyaad
waaba ninkii qabrigiisa dhisay oo ka xumaaday dilkiisa.
Kasmo: Waxaa la sheegaa sababta xukuumaddii militeriga ahayd ay baaritaanka u sii wadi weyday, inay ahayd in arrintan la dåboolo. Eedeymahaas maxaad ka leedahay?
Sh. Mukhtaar: Arrintaas aniga ma qabo. Nimankaan waxaa inqilaabka ku kallifay,
Muuse Boqor ayay ka cararayeen, iyagana waxaa la taliyahooda ahaa Ruush oo saraakiisha Ruushka ayaa ciidanka ku dhex jiray.