Leaderboard


Popular Content

Showing content with the highest reputation on 05/07/2022 in Posts

  1. 1 point
    Not sure if Kheyre fully realizes the exact duty and priorities Somalia's leadership at this moment requires. As PM he was focussing too much on the wrong priorities such as exploration of natural resources, oil and gas production, attracting investors, debt relief, etc. And his resignation speech was quite off putting and dispiriting celebration of his own overinflated ego, referring to himself more than 40 times in 6 minutes. Aniga, Aniga this, and aniga that.
  2. 1 point
    Tuugaan ayaa rabo inuu boobkiisa ku soo noqdo oo la soo xusho: Marwo Yusur Abraar Waxaa Lagu Xasuustaa Iney Diidey Boobka Xoolaha Umadda Halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku Caan Baxey Xatooyada Xoolaha Shacabka Soomaaliyeed. ( Fadlan Walaal Akhri Qormo Dhab ka Hadal ah oo ka Hadleysa Is Casiladii Marwo Yusur Gudoomiyahii Hore ee Bangiga Dhaxe iyo Xaqiiqooyinkii ku Wareegsanaa Arimahaas ) =========================================================== Shacbiga Soomaliyeed tan iyo intii ay dhalatey dawladii ugu horeysey markii Xornimada la qaatey Sanadkii 1960,kii ilaa maalinkan maanta ah dawlada iney iyaga leeyihiin waa Liqi weysan yahiin ama waa ay ka daadegi La,dahay waxeyna u arkaan dawladu iney u tahay Cadow sababtoo ah marka dhab loo hadlo shacbiga soomaaliyeed lama tusin Kalsooni dhab ah oo ay ku aaminaan xukuumadahooda. waxyaabaha la yaabka ah ee mudadaa dheer la arkayey waxaa ka mid ah iyadoo umadda soomaalida ay arkaan mar kastaba hogaamiyeyaasha majaraha u qabta xukunka dalka oo Cadaalad daro iyo Boob u geysta xoolahii umadda ka dhaxeeyey kuwaas oo Jeebabka Buuxsada. Aan u soo daadego dulucda qormadaane waqtigan iyo Madaxweyne xasan sheekh maxamud markaan eegno wax badan ayaa Ummadda Soomaliyeed laga gaday ama laga iibiyey in xasan sheekh aanu ahayn Nin xoolaha umadda dhaca. Waxaase xaqiiqa noqotey in taasu ay hartay. Bal aan ugu horeyn eegno “ Xagee ka timid Fadeexadii Bankgiga Dhexe ee Soomaaliya oo dhacdey sanadkii 2013. Aan ku bilaabo nin ka mid ahaa ragii lugta weyn ku lahaa fadeexadaas boobka xoolaha umadda loo geysanayey ninkaas oo ah ganacsade ayaa waxaa lagu magacaabaa Muuse Ganjab. Sidee isku barteen Marwo Yusur Abraar iyo ganacsade Muuse Ganjab. Muuse Ganjab ninka la yiraahdo oo bilahii la soo dhaafey warbaahinta gudaha iyo tan dibada ay si weyn magaciisa u hadal hayeen waa ganacsade Madaxweyne Xasan Sheekh ay qaraabo yahiin waxaana uu ka soo jeedaa qoys caan ku ah dhinaca ciyaaraha.Mr ganjab iyo haweeneyda gudoomiyaha ka noqotey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iskana casishey mudo gaaban ka dib yusur abraar waxey isku barteen dalka Gaaboon isagoo halkaas ku lahaa ganacsi uu ka mid yahay shirkad xaga Telefoonada ah waxaana dhacdey in yusur abraar ay hada ka hor shaqo u tagtay dalka Gaaboon shaqooyinkaas oo la xiriiray dhinaca Bangiyada. Dhinaca kalena Muuse Ganjab iyo gudoomiyihii bangiga dhaxe ee is casiley Cabdisalaan Hadliye haatana ah wasiirka arimaha dibada dawlada soomaaliya waxey ahaayeen rag isku xiran waxuuna muuse ganjab uu Lug ku lahaa magacaabistiisii aheyd gudoomiyaha bangiga dhaxe ee soomaliya. Waxyaabihii ugu waaweyn ee uu xilka bangiga dhaxe ku waayey Mr Hadliye waxaa ka mid ahaa in isaga iyo labo ka mid ah shaqaalaha dowlada oo ka kala tirsan Wasaarada Gaashaandhiga iyo Wasaarada Maaliyada ayna is xigaan Madaxweyne Xasan sheekh in lacag 12 milyan oo Dolar ay bankiga kaga qaateen sifo sharci daro ah. Markii ay fadeexadaas dhacdey oo gudoomiye Cabdisalaan Hadliye xilka uu iska casiley waxaa uu ganacsade Muuse Ganjab mar kale uu ku guuleeystay in yusur abraar loo magacaabo gudoomiyaha bankiga dhexe taariikhdu markey aheyd Bishii September 13keedii sanadkii 2013kii si uu meeshiisii uga sii wato boobkii dhaqaalaha wadanka waqti Mushaar la’aan ay heysey shaqaalaha dowlada iyo ciidamada. Mr ganjab waxaa uu mar kale isku dayey inuu heshiis kula galo gudoomiye Yusur abraar in isaga looga danbeeyo soo xareynta Lacagta Soomaliya ay laheyd ee dibada ugu maqan 20kii sano ee la soo dhaafay. Waxaa sidoo kale hehiiskaas ku jiray kamaal Guutaale oo mar soo noqdey agaasimaha xafiiska Madaxweyne Xasan sheekh waxuuna ninkaasi soo xir xiray heshiiska shirkad dhinaca sharciyada ka shaaqeysa laguna magacaabo Shulman Rogers oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka shirkadaas oo wada-shaqeyn ay ka dhaxeysey dowladda Soomaaliya. Markii ay arintan ka shireen waxaa lagu heshiiyey in marwo yusur lagu war geliyo in Lacagtaas meel la isla ogyahay lagu shubo taasoo ah Account uu leeyahay muuse ganjab oo dalka koonfur afrika ah si Madaxweyne xasan sheekh uu s i gaar ah ugu furdaamiyo arrimahiisa. _______________ - Qoraa C/llaahi Nuur Kolombo - 2015
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up