Leaderboard


Popular Content

Showing content with the highest reputation on 09/29/2020 in all areas

  1. 1 point
    Maxee dad Soomaali isku sheeg Soomaali ku soo hareen. Neefkaan hoose ayaa difaacaayo shisheeye ku xasuuqay deegaanka Ceelwaaq Soomaali aan waxba galabsan. ______________________ Jubbaland oo ciidanka Kenya ka leexisay dadkii Gedo lagu laayey, si kalena u rogtay Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur JANAN ayaa ka hadlay falkii dhawaan lagu dhibaateeyay dad shacab ah oo dagan gobolka Gedo, wuxuuna shaki galiyay iney ciidamada Kenya ka dambeeyaan dhibta dhacday. Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta wuxuu sheegay in laga yaabo Ciidamada Kenya oo ka careysan dhibaato loo geystay ay shacabka dhib u geysteen. “Waxaa ognahay in ciidamo Kenya qarax loo dhigay uu kasoo gaaray khasaare naf iyo maalba leh. Dabcan ciidamadiina waxay sameeyeen falcelin waxayna dhibaato ugeysteen dadkii aaga ka dhawaa,” Cabdirashiid Janan wuxuu ka qeyb yahay guddiga loo xilsaaray dhacdadii ka dhacday Ceelwaaq, wuxuuna sheegay iney hubinayaan wixii dhacay ka hor inta aysan wax tallaabo ah qaadin. Janan wuxuu sheegay iney ciidamada Kenya kala xisaabtamayaan wixii ay geysteen, balse ay ogyahiin in Al-Shabaab ay dhibaato u geystaan ciidamada Kenya taasna ay ka dhaln karto falcelin ay shacabka ku dhibtoodaan. Dadka shacabka ah ee degan Gedo wali waxey wadaan dibad-baxyo ay kaga soo horjeedaan dhibaatada loo geysanayo. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay is-dajiyaan, islamarkaana ay ka war-sugayaan baarista ay haatan wadaaan ka guddi ahaan. Xigasho
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up