Sheekadii 3 maan-laawe.
Farmaajo Deni,Madoobe.
Qasadu waxay ahayd nin 100 geela xoola ka haysta yaa gabar qalbigiisa isku balaarisay.
Aabaheed wuxuu ku xiray inuu 100'ka geela ah oo uu haysto yarad uga siiyo gabadha.
Wuu ka yeelay ayadoo sawir hoose qalbigiisa ruxayso.
Mudo kooban yaa gabadhii iyo ninkii guurasaday faqri lasoo darsay oo waxay cunaan waayeen.
Gabadhii oo diif ka muuqato yaa waxaa bariiday ugaarsade biro wata.
Wuxuu u sheegay inuu ugaarsi tagayo oo gaajo tiri doono taas badelkeedana ay af garato markay hilibka sagaarada cunto oo gogol gaara siiso.
Waxay ugu jawaabtay inaysan waxba ka qabin oo uu gaajada ka bi'iyo marka hore.
Ayadoo sugaysa ugaarsadihii yaa waxaa u yimid ninkeedii oo asna diifaysan.
Qorax dhicii yaa waxaa u yimid aabaheed oo geelii uu yaradka u qaatay laga dhacay oo gacan madaw kuna fekeraya bal inuu wax un kale ka helo wiilkuu sodagga u yahay.
Ayadoo xaajadu halkaas marayso yaa waxaa yimid ugaarsadihii oo atoor sagaaro soo dilay kuna qariyay aqalka muskiisa sida sharuudihii ka dhaxeeyay asaga iyo gabadha u fulaan
Markay sadexdii nin is bariidiyeen ka dib
Bay gabadhii ku tiri waxaad tihiin sadex maan-laawe.
Kow
Aabahay waa maan laawe oo ninkii uu ka qaatay wuxuu xoolo haystay oo faqri ah yuu xoolo kale usoo doontay.
Labo
Waa ninkayga oo garan waayay xoolaha wax ka reebo aqal madaw gabar ha gayne.
Sadex
Waa ugaarsadaha sagaaro wax uga doonaya gabar 100 halaad laga bixiyay.
Sadexdaas waxaa la mida
Kow
Farmaajo inuu sharaf madaxweyne siiyo niman qudaaca dariiqa oo aan jid iyo jaho u ogolayn 15milyan.
Labo
Deni oo carab ka iibiyay ishii yarayd abaar iyo gaajana ka qaaday xaqul qalinkii carabta laga cunay.
Sadex
Ugaarsadaha waxaa lamida axmed madoobe, oo ku doonaya lug sagaaro gobolka gedo in lagu hoos geeyo.
Talo ku socota farmaajo
Ninka ragga ah magac buu ka tagaa.
Geesinimadu waa darajada labaad oo fulayga ku xigta.
Jaaniskiisa yuusan dhaafin labada qudaacu dariiq muqdisho haku xiro maxkamad ka dibna samadiidoow ha la qaado.
Meeshu waa 4.5 waa jaanis aan cid heli kartaa jirin shareecadu waa ogoshahay inaad wiilkaaga disho haduu qudaacu dariiq noqdo.
Wayshuna qosolka way dayn lahayd qabrigaagana siyaad barre agtiisa yaa laga wodi lahaa ilaa iyo hadda ducadu ku socoto.