Leaderboard


Popular Content

Showing content with the highest reputation on 08/18/2020 in all areas

  1. 1 point
  2. 1 point
    Maxaa ka jira in la fududeeyey weerarkii Elite? Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerarkii xooganaa ee maalin ka hor lagu qaaday hotelka Elite ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay hotelkaasi. Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka ayaa sheegay in la fududeeyey weerarkaasi, kadib wareysi uu siiyey Shabelle. Indha Cadde ayaa wareysiga lala yeeshay ku sheegay in gaarigii uu ku qarxay afaafka hore ee hotelka iyo raggii saarnaa loo fudeeyey inay tegaan hotelka oo si weyn loo ilaaliyo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in goobta la weeray ay ku yaallaan Koontaroolo dhowr ah oo lagu baaro gaadiidka kala duwan, xittaa kuwa dowladda, isaga oo carabka ku adkeeyey in su fudud aan lagu geli karin halkaasi, islamarkaana ay cadahay in lala shaqeeyey raggaasi. ”Waa loo fududeeyey in gaarigaas uu meesha tego waa lala shaqeeyey si kale oo ku dhici karto maleh, aniga baabuur Cabdi Bile ah oo Nashiike saaran yahay ayaan la socdaa baabuurkeyga ciidan ayaan saaran waa la’ii celiyaa, waana la’iibaaraa ID Card ayaa la’ii weydiiyaa, marka si kale kuma tegi karo gaarigaas in loo fududeeyey uun ayuu ku tegay hotelkaas.’’ ayuu yiri Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde). Waxa kale oo uu ka hadlay waxaa soo celiyey weerarada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho,isaga oo sabab uga dhigay in laga gaabiyey culeyskii saarnaa,gaar ahaan dagaalka lagula jiro iyo sidoo kale isla xisaabtan la’aan ka jirta hay’adaha amniga. Ugu dambey wuxuu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay awoodaan inay weeraraan goob kasto oo bartilmaameedkooda ah, iyaga oo adeegsanayo wejiyo kala duwan iyo xeelado. Si kastaba ha’aahaatee hadalkan ayaa ku soo beegmaya maalin, kadib weerarkii cuslaa ee lagu ekeeyey hotelka Elite, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiray shacab iyo shaqaale dowladeed intaba. ___________________ One of the few times Indhacadde makes sense.
  3. 1 point
    Villa Somalia oo war kasoo saartay kulankii ka dhacay Dhuusmareeb Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb waxa uu la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxda ay iska xog wareystay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dalka, xaaladda siyaasadeed iyo amni. Waxay sidoo kale si wadajir u cambaareeyeen weerarkii gaadmada ahaa ee argagixisadu ay ka fuliyeen mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho, waxa ayna uga tacsiyeeyeen qoysaska, ehelada iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed muwaadiniinta geeriyootay. “Sidoo kale, Madaxda ayaa adkeeyey muhiimadda ay midnimadu iyo wadajirku u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada muddaysanaa ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, taas oo lagaga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka dalka.” Shirkan ayaa imanaya ayada oo madaxda maamul goboleedyada Jublanad iyo Puntland ay ka maqan yihiin kulamada. Puntland ayaa xalay si rasmi ah u qaadacday shirka, waxayna shuruudo adag ku xirtay ka qeyb-galkiisa. Halkan ka aqriso qoraalkaas.
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up