Gabadh Hargeysa loogu xiray Calanka Soomaaliya dartii
Marwo Degan Miiraash oo ah Hooyo dhashay afar caruur ah ayaa isbuucii labaad ku xidhan Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, waxaana loo haystaa in ay qolka hurdada ee gurigeeda ku sharaxatay Calanka Soomaaliya .
Degan ayaa qolkeeda hurdada ku gogoshay calanka Soomaaliya kadibna sawiro ka qaaday oo ku faafisay baraha bulshada.
Muuqaal Degan Miiraash kasoo duubtay gudaha jeelka ayaa ku sheegtay inay markasta ku celcelin doonto Soomaaliya Hanoolaato oo aysan jirin cid wax ka qaadaysa.
Marwa Degan oo ah gabadha ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa waxaa lagu eedeyay in ay qaran dumistahay, dhaawacna u gaysanayso jiritaanka Somaliland sida ay iyadu sheegtay.