WAJAALE NEWS
DAWLADDA ETHIOPIA OO XAFIISKEEDA HARGAYSA GAADHSIINAYSA HEER SAFAARADEED!
July 20, 2020 - Written by Editor:
Addis Ababa(W,N), Dawladda dalka Ethiopia ayaa xafiiska Arrima Ilaaliyaha (Mission) ee ay ku leedahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa gaadhsiinaysa heer Safaaradeed (Embassy), Sidaana Waxa Arabsiyo Online u sheegay Saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha Debadda ee Ethiopia iyo Somaliland, kuwaasi oo codsaday in aan la magacaabin.
Sida ay Saraakiishani sheegeen, talaabadani ay dawladda Ethiopia qaadayso, waxay ka dambaysay ka dib markii ay todobaadkani dhexdiisa wada hadalo dhinaca Telefoonka ahi dhexmareen masuuliyiinta Somaliland iyo kuwa Ethiopia.
Wada hadaladani ayaa la sheegay inay salka ku hayeen, ka dib markii ay dawladda Ethiopia ka shakiday ujeedada Wefti heer sare ah oo booqasho dhawr maalmood qaadatay ku yimid Somaliland.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Debada ee Jamhuuriyadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo waraysi arrintani la xidhiidha siiyay Wargeyska Daily News Egypt oo ah maalinle madax banaan oo ka soo baxa dalka Masar, waxa uu sheegay inay Somaliland iyo Masar isla soo qaadeen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen is-dhexgalka dhinaca ganacsiga, gaar ahaana xoolaha iyo Beeraaha.
https://dailynewsegypt.com/2020/07/18/somaliland-says-keen-on-stronger-ties-with-egypt/
Sidoo kale Mr. Liibaan Yuusuf Cismaan, Wasiir KU xigeenka Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha D ebada ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu ka jawaabaay su’aalo la xidhiidha in imaatinka weftiga Masar ee Hargeysa ay cabasho ka muujisay dawladda Ethiopia, waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi. “waxaanu wada xaajood la geli karnaa dal kasta oo aanu danahayaga kala hadli karnaa, taasi waa shaqadayada’” ayuu y idhi, Wasiir ku x ixgeenku. Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi. “Xidhiidhkayaga Masar wax dhaawac ah u geysn maayo, xidhiidhka aanu la leenahay Ethiopia, waxaananu ugu baaqaynaa labada dhinac ee Ethiopia iyo Masar in khilaafkooda dhinaca Biyo XIdheenka Ethiopia inay wada hadal ku dhamaystaan, haddii loo baahdana annaga laf ahaantayadu waanu dhex-dhexaadin karnaa, maadaama oo aanu khibrad u leenahay xalinta khilaafaadka” .
Hase yeeshee, dawladda Ethiopia ayaa sida ay wararku sheegeen waxa ay bilawday sidii ay kor ugu qaadi lahayd xidhiidhka saaxiibtinimo ee ay la l eedahay Somaliland, tan iyo markii ay Jamhuuriyadda SOmalilanad Madax Banaanideeda kala soo noqotay dalka sannadkii 1991-kii oo ay ahayd d awladda keli ah ee iyadu goob joogga ka ahayd goobtii lagaga dhawaaqay madax banaanida Somaliland ee magaalada Burco, halka ay dawladda Masar oo waqtigaasi doonaysay inay wefti u soo d irtana la sheegayy in loo diidday saababo la xidhiidha taageero military oo ay siin jireen d awladdii hore ee Maxamed SIyaad Barre oo xasuuq baahsan ku haysay dadweynaha Somaliland sannadihii sideetamadii..
Maamulkii xilligaasi ee dalka Massar waxa uu talaabadaasi kaga jawaabay inuu u ololeeyo go’aamo go’doomin ah oo ka dhan ah madax banaanida Somaliland oo uu ka ansixiyay ururkii midnimada Afrika iyo Jaamacadda Carabtaba, aakhirkiina Qaramada Midoobay.
Isku soo duuboo, khubarada caalamiga ah ee ka faaloodda arrimaha GObolku waxa ay ku sheegeen xidhiiddhka Cusub ee Somaliland Iyo Masar, mid ay ku doonayso inay noqoto dal samaysanaya saaxiibo cusub, isla markaana aan luminaayn saaxiibadiisii hore.