Beentii iyo khurufaadkii Cheeseman oo lugta la soo qabtay.
---------
Cabdirahman Cabdi Shakuur
"Waa wax laga naxo in madaxweynihii dalka uu kari waayo in uu ka run sheego mashruuca Baxnaano ee uu shalay daah furay. Mashruuca oo sanado soo socday waxaa deeqdiisa leh Baanka Aduunka, fulintiisana haydaha WFP iyo UNICEF, maamulkiisa kore ayaa lagu maamusay dawlada Soomaaliya, waxaana loogu tala galay in lagu gacan qabto dadka ay abaaraha, fatahaadaha webiyada iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga cayrteeyeen oo ay dalagii iyo xoolahii noolaa ka baabi’iyeen ka dibna xeryaha qaxootiyada galay, si ay noloshoodii dib ugu laabtaan oo saboolnimada looga saaro.
Sow ma haboonayn intii uu Madaxweynuhu oran lahaa waa markii ugu horaysay oo ay dawladu dadkeeda deeq gaarsiiso in uu mashruuca runta ka sheego, una mahadceliyo cidii deeqda bixisay, kuwa fulinta u xilsaaran, ka dibna xuso kaalinta ay dawlada mashruuca haatan ku leedahay, isagoo khajilayana raaciyo kaalinta ku haboonayd in ay dawladu yeelato oo ah in ay deeqda bixiso, intii uu sheegan lahaa deeq ajnabi ka timid, welina u ekeysiin lahaa in dawladu ugu tala gashay ka hortaga Karoona Fayris.
Waxa ugu muhiimsan ee hoggaan siyaasadeed laga rabo, kumana sii jiro hogaamiye dal burbur ka soo kabanaya, waa in uu dadkiisa runta u sheego, una daacadnimo waramo, sababtoo ah waa ficilada dhisa kalsoonida uu shacabku dawladiisa ku qabo, waxayna kobcisaa aaminaada uu muwaadinku hogaankiisa u hayo ."