kkkkk kkkk
Awoowe, arinkaagu waa bakhtiga ma cunee fuudkiisa ayaa daldalshaa. Bal meel kala gee!!!
Horta mid aan isla ogolaano. Meesha dhiiga qubanaya, dhulka gubanaya, hooyadda qaxoontiga noqotay, caruurta gurigoodi lagu gubay, iyo kuwa qoryaha sitaa dhamaan waa Soomaali. Soomaali ayaa is dilaysa.
Waxba midna walaal ha iiga dhigin, midna gaal in lala dagaalamo haboon ha iigu khuukhin. America filimaanta waa daawatay ayaan filayaa, waxa jira khidad la yidhaa 'Bad Cop' 'Good Cop' oo loo isticmaalo criminals si macluumaad looga helo ama ay u qirtaan danbiyo ay galeen. Soomaalida waxa lagu ciyaaraya isla khidadaa. Inta badan 30kii sano ee la soo dhaafay Bad Cop waxa matalaysay Ethiopia, halka Good Cop matalasay Kenya.
Hada Kikuuyoada ayaa Bad Cop kuu matalaysa ahalka Ethiopia Good Cop.
Laakin waxba iskama badalin siyaasaddii iyo goal kii ay ka lahaayeen Somalida.
Taa horta si fiican biyo iskaga daa daaji.
Haataan iyo xaal, meeshaas Buulo Xaawo iyo Gobolka Gedo waa Soomaali waxa is dilisay waxayna ku salaysantay oo guntu tahay waa arin Qabiil.