Leaderboard


Popular Content

Showing content with the highest reputation on 12/31/2018 in all areas

  1. 1 point
    The union influence should slowly be expanding to every inch of Somalia without harming the people and property of Somaliland. This should never be a zero sum game. Anything less than a peaceful integration, is repeating the old mistakes. The Somali people have learned their lesson.
  2. 1 point
    Galgaduud iyo mudug caam ahaan dagaal beeleed kuma cusba. Taariikhda reer miyigoodana nabad aqalkooda kuma ladin, waa taariikhda inta la ogyahay Waxaana dhici jirtay in odaygu islaantiisa, ku balan sado geed dugisi leh hoostiis markuu u baahdo. Qof kastaana wuu garan karaa in wiilkii halkaa ku calool galaa, uusan shiikh diinta faafiya noqonayn, in kastoo alle hadeeyo qofkuu doono qofkuu doonana baadi ka dhigo. Kaxandhaale waa xuduudka itoobiya la wadaagto soomaaliya. Xadka labada beelood waayadii hore lagu kala xadayn jirayna wuxuu ahaa, si aan dhib u dhicin wadada dheer in beelu ka degto qorax kasoo baxa beesha kalana qorax u dhaca. Waxa laysku haystaa waa qorax u dhac meeshii ugu dambaysay. Kuwa soke way ka indho adkayeen kuwa shishe waayadii hore dhaqan ahaan. Waxaana dhici jirtay ayadoo colaad xuni, jirto uu tuuladii colkiisu deganaa uu "subbag" usoo safarsado Markaad waydiiso war soo ka baqi maysid in lagu dilo ama dhib ku gaaro wuxuu ku jawaabi jiray... Aryaa ninka raggaa aa dhashaa aana dhindhaa.!! inkastoo lahjadoodii fiicnayd ay hadda badeleen oo idaacado badan furteen, hadana indho adaygoodu waa tan keentay inay kaxandhaale iyo dac-dheer kula dagaalamaan dadkii waligood degenaa. Aragtidayda dhib kuma jiro in dadka xoolo dhaqataada hayaamaan oo meeshii biyo iyo baad ay xoolahooda uga heli karaan ay tagaan, dadku waa soomaali aakhirka, xadna makala leh, laakiin taasu waxay imaan kartaa markay diinta iyo caqligu shaqaynayo. Dagaalkan wuxuu uga badelan yahay kuwii hore waxaa hor boodaya ama qaribaya, siyaasiyiin iyo ganacsato og inaysan xalaal cunin caruurtodana ku masruufin abid. Ciddii horay ugusii raacaysa xisaabta alle way soo dhawaynayaan somaalidu waxay tiraahdaa dadkaasoo kale wayso uma dhawrna Kornayl iyo ciidan itoobiyaana dagaal beeleed tuulo ka dhacay inaan lagusoo qaban karin cid kastaa way garan kartaa waliba asagoo jufo kale la safan Waa ajande siyaasadeed oo ay ula jeedaan sidii c/lahi yusuf yaa farmaajo'na, itoobiyaan adeegsanayaa. Oromada caagga ku badelanaya dharka duuggaa waa wada kornayl ayayday baan ka maqlay. Gal mudug alle unbaa nabad ka keeni kara qof nabad ka keeni karaa maanta aduunka ma joogo. laakiin waa la qaboojin karaa waxaana qaboojin kara dadka ay nabadda iyo colaadu ka go'do oo ah kuwa dhibku haysto, ugu yaraan inay sugaan inta dumarku dib u dhalayo wiilal kale. Mahad salaad iyo c/shakuur iyo fiqi caruurtooda sariir jilicsan bay ku seexiyeen Tv iyo tallaajadna way ag dhigeen qabiilka waxay ay u arkaan jaranjaro dawlad lagu dumiyo hadafkay is tuseen waa intaas Walaalaheen snm qaybta bidixda fog dad muslina oo dhintay lagama dul mashxarado itoobiya marna waa nooga sokaysaa koonfurta marna waa cadaw beek lagu xaduuqayo waa munaafaqad. Waxaa kaliya oo soomaalidu afka ka tiraahdaa ilaahaw intii dhimatay u naxariiso inta noolna cafimaad degdega sii, haday ducadaas niyadooda ka timaaddo si saxa waa horaa dagaaladu joogsan lahaayeen sababtoo ah ilaahay wuxuu daahiriyo waxaa ugu wanaagsan qalbiga asagiina wasakh yaan ka buuxinay.
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up