Leaderboard


Popular Content

Showing content with the highest reputation on 12/04/2018 in Posts

  1. 2 points
    Gooni, Awoowe, Wadada waxa ku sadaqaystay China. Sido kale biyaha. Lacagtii Qaranku lahaa halkee la geeyay? Sow beeshu ka dhashay khamri iyo khamaar kumay dhameyn? Ileen waanu ognahay Garbohaaray iyo Buulo Xaawo inay buul Somali ka dhisanyihiin oo aanu waxba u qabane. Kolka laga yimaado sadaqada dawladaha shisheeye, bal sheeg hal shay oo taxation/cashuurtii dadka laga dhameeyay loogu qabtay? Ugu yaraan, Dawladii Afwayne burburkay magaalooyinka Somaliland u gaysatay ayaa 1000 jeer ku laba-laabmaya wixii ama sadaqo uga so gaadhay 21 sano oo dawlad la aqoonsanyay la ahaa. Waa ayaan daro aad u wayn runtii, qof kii caqli inun wali ku sii hadhay garanaayo.
  2. 1 point
    Xogo Xasaasiya: Qorshe Liddi Ku Ah Somaliland Oo Uu Abiy Ahmed Ku Mashquulsan Yahay+Culays Diblomaasiyadeed Oo Uu Saarayo Xukuumadda Biixi + Safaaraddiisii Hargeysa Oo Uu Xidhayo 1:42 pm 3rd Dec, 2018 Xogo Xasaasiya: Qorshe Liddi Ku Ah Somaliland Oo Uu Abiy Ahmed Ku Mashquulsan Yahay+Culays Diblomaasiyadeed Oo Uu Saarayo Xukuumadda Biixi + Safaaraddiisii Hargeysa Oo Uu Xidhayo Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay baahinayeen xogo diblomaasiyadeed oo ay sheegeen in ay ka heleen ilo wareedyo u dhuun daloola dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya iyaga oo sheegay halka ay salka ku hayso cadaadis ay ku tilmaamen in ay dawladda Itoobiya saartay Somaliland warkaasi oo idaacadaha iyo warbaahinta Online-ka ah ee Muqdisho si weyn u baahinayeen habeenadii ugu dambaysay. Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu yahay sarkaalka isagu go’aansaday in uu gabi ahaanba soo laabo xidhiidhadii ay Itoobiya la lahayd maamul Goboleedyada dalkaasi iyo Soomaaliya iyo waliba inuu hoos u dhigo xidhiidhkii ay Addis Ababa la lahayd Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo kalsooni weyn siiyey Madaxweynaha dawladda Muqdisho Maxamed Cabdilaahi Farmaajo horena ugu ballan qaaday in Itoobiya ay Soomaalida hal jiho kala xidhiidhi doonaan oo ah dawladda Muqdisho ee Federaalka sheegata. Warbixinahan ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay wajahaysay cadaadis xooggan oo kaga imanaya dowladda Ethiopia kadib markii ay soo baxday qorshe qarsoon oo lagu carqaladeynayo dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweynaha Muqdisho Farmaajo. Xogahan ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu dhowaan amray in xafiiskii Somaliland ee magaalada Addis-Ababa loo raro magaalada Diri Dhaba, taasi oo qeyb ka ah tallaabooyin lagu yaraynayo heerkii diblomaasiyadeed ee dowladda Somaliland iyo Itoobiya u dhaxeeyey iyada oo aanu wali Abiy Axmed kulan la yeelan Madaxweyne Muuse Biixi. Ethiopia ayaa sidoo kale dhowaan la baxday qunsulkeedii Hargeysa. Ilo-wareedyada xogta laga helay ayaa sheegay Somaliland ay aad uga xumaatay dhawaan markii ciidamo ka socda Liyuu Booliska dalka Itoobiya ee Gaar ahaan Kililka shanaad ay dhexdhexaadin ka gaysteen beelihii walaalaha ahaa eeku diriray Gobolka Sool iyaga oo aan wax wada shaqayn ah kala yeelan arrinkaasi dawladda Somaliland. Arrinta layaabka leh ee wararkan ku jirta ayaa ah xogo ay sheegeen in ay ku heleen in dawladda Somaliland xidhiidh la samaysay maamul Goboleedyada dalkaasi Soomaaliya si ay cadaadis ugu saaraan dawladdooda dhexe oo ay garab ku siiso siyaasaddii ay Maamul Goboleedyadu ku wiiqayeen dawladooda arrinkaasi oo aan la ogayn xaqiiqadiisa iyo halka uu salka ku hayo. Dhinaca kale, Farmaajo ayaa la sheegay inuu xidhiidh dhow la leeyahay oo uu haysto taageerada madaxweynaha dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed qudhiisa. Tani waxa ay keentay in qaab lala yaabay uu Madaxweynaha Kililku Somaliland ugu soo daray mar uu ka hadlay xaalad amni oo uu sheegay in ay dalkiisa kaga imanayso Puntland, Jubbaland kuwaasi oo uu ku lammaaneeyey Somaliland. waa markii ugu horraysay ee Masuul dawladda Itoobiya ahi uu Somaliland ku xidhiidhiyo dhibaato ay gaysan karaan maamulada Soomaaliya oo ay Itoobiya u gaysan karaan. Arrinkaasi oo aad uga cadhaysiiyey Somaliland. Dhinaca kale xogtan waxa lagu sheegay in Farmaajo uu lahaa fikradda uu Mustaf Cagjar ku dhex-dhexaadinayo beelaha Sool clan ee ku dagaalamay gobolka Sool ee Somaliland, kuwaas oo lagu heshiisiinayo magaalada Jig-Jiga, taasi oo sidoo kale dharbaaxo kale oo siyaasadeed ku noqotay dowladda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. https://qarannews.com/xogo-xasaasiya-qorshe-liddi-ku-ah-somaliland-oo-uu-abiy-ahmed-ku-mashquulsan-yahayculays-diblomaasiyadeed-oo-uu-saarayo-xukuumadda-biixi-safaaraddiisii-hargeysa-oo-uu-xidhayo/
  3. 1 point
    Suldaan awoowe khamriga, jaadka iyo geerashaynta dhaqan siyaad barre ka horeeyay buu ahaa oo gumaystihii hore uga tagay soomaalida. Usoo noqo mowduuca Shiinuhu berigaas ma muslin buu ahaa? Muxuu sadaqo ula bixi waayay siyaad barre ka dib? Siyaad barre qudhiisu muxuu mashaariicda ula doontay waqooyi, bari iwm, oo uu garbahaarey iyo gedo oo beeshiisu degto u hareer mariyay? Mise dadka sadaqada bixiya ayagaa dooran jiray meeshay dhisayaan? Warshadihii uu dhisay way shaqaynayeen markuu muqdisho ka baxay hal guri ah kama dunsanayn soomaaliya nalku waa shidnaa Tii caanha, Tii hilibka Tii taraqqa iyo sigaarka Tii tamaandhada itop Tii mooska somalita Tii dharka Tii baastada Tii sonkorta Tii kaluunka Tii daawada Tii barafuunka Tii rinjiga Tii sibirka Tii kabista Tii korontada Tii hargaha iyo saamaha, iyo kuwo kaloo badan. Ma garanaysaa warshadahaasu goboladay ku yaaleen iyo waxtarkay u lahaayeen bulshada? Mashruucyada warkooda daa kan biyo celinta, kii bariiska la dagaalka dullinka, bacaad celinta, horumarinta reer miyiga, la dagaalanka ayaxa iyo dullinka lamasoo koobi karo. Nabad gelyo caafimaad lacag la'aan ah wax barasho lacag la'aana ilaa jaamacad Dalxiiska iyo ilaalinta duur joogta. Wasaarado tayo leh, makala garan kartaa wasaaradihii wax soo saarka lahaa iyo kuwii canshuurta lagu kabi jiray? Ma joogtay markii diyaaradaha miyigga burco loogasoo qaadayay dad iyo xoolo caato ah abaartii daba dheer ilaa dajuuma sablaale qoryoolay si ay biyo iyo baad u helaan. Taariikhdaas wali snm makaaga sheekaysay? Suurto gal ma'ahan inaad Australia jalaato ku dhuuqdo adoo ka rradan taariikhda fiican ee dalkaaga Ma dhooftay berigaas oo shisheeye ma u sheegtay dalka aad ka timid? Beesha aqoonsiga aad la doonayso mashruuc digaaga lagu xanaaneeyo ma samayn karaan sodon sano oo ay nabad gelyo jaad ku cunayeen. Markii lasoo koobo warkayga. Suurta gal noqon mayso in lays barbar dhigo, ood amxaar jiiday xaabo ka daatay, iyo geed qurux badan oo xiddidkiisu fogaa, hooskiisana, wali la harsado.
  4. 1 point
    Indeed, the noose is tightening ever more and the desperation is getting ever more dire for the wretched secessionists. ______________________ Madaxweyaha Somaliland oo badalay go’aankii uu horey kaga qaatay madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dib kaga laabtay go’aan uu horey uga qaatay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo. Muuse Biixi ayaa 20-kii November kaga dhawaaqay magaalada Burco inaysan wadahadal la galeynin dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyo, kadib cadaadis xoogan oo Somaliland soo wajahay. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in warsaxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada Somaliland lagu shaaciyay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka laabtay go’aankiisii hore ee wadahadalka la xiriiray. War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Muuse Biixi ee Hargeysa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Arrinta isbadalka go’aanka Muuse Biixi ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii shalay wafdi ka socdo midowga Yurub ay gaareen magaalada Hargeysa, iyaga oo halkaasi kula kulmay Muuse Biixi. War-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka caga jiideyso wadahadalka ay la galeyso Maamulka Somaliland. Xigasho _________________ Just a few short hours after meeting some junior diplomat from EU's office in Muqdisho ayaaba saan loogu cabsaday and the failed secessionists suddenly issue this statement.
  5. 1 point
    The poor sod has become so discombobulated by the Good-Cop/Bad-Cop of Somali politics, that now— like a deer caught in the headlights— dhinac uu aado ayuu garan la’yahay!
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up