Suldaan awoowe khamriga, jaadka iyo geerashaynta dhaqan siyaad barre ka horeeyay buu ahaa oo gumaystihii hore uga tagay soomaalida.
Usoo noqo mowduuca
Shiinuhu berigaas ma muslin buu ahaa?
Muxuu sadaqo ula bixi waayay siyaad barre ka dib?
Siyaad barre qudhiisu muxuu mashaariicda ula doontay waqooyi, bari iwm, oo uu garbahaarey iyo gedo oo beeshiisu degto u hareer mariyay?
Mise dadka sadaqada bixiya ayagaa dooran jiray meeshay dhisayaan?
Warshadihii uu dhisay way shaqaynayeen markuu muqdisho ka baxay hal guri ah kama dunsanayn soomaaliya nalku waa shidnaa
Tii caanha,
Tii hilibka
Tii taraqqa iyo sigaarka
Tii tamaandhada itop
Tii mooska somalita
Tii dharka
Tii baastada
Tii sonkorta
Tii kaluunka
Tii daawada
Tii barafuunka
Tii rinjiga
Tii sibirka
Tii kabista
Tii korontada
Tii hargaha iyo saamaha, iyo kuwo kaloo badan.
Ma garanaysaa warshadahaasu goboladay ku yaaleen iyo waxtarkay u lahaayeen bulshada?
Mashruucyada warkooda daa kan biyo celinta, kii bariiska la dagaalka dullinka, bacaad celinta, horumarinta reer miyiga, la dagaalanka ayaxa iyo dullinka lamasoo koobi karo.
Nabad gelyo caafimaad lacag la'aan ah wax barasho lacag la'aana ilaa jaamacad
Dalxiiska iyo ilaalinta duur joogta.
Wasaarado tayo leh, makala garan kartaa wasaaradihii wax soo saarka lahaa iyo kuwii canshuurta lagu kabi jiray?
Ma joogtay markii diyaaradaha miyigga burco loogasoo qaadayay dad iyo xoolo caato ah abaartii daba dheer ilaa dajuuma sablaale qoryoolay si ay biyo iyo baad u helaan.
Taariikhdaas wali snm makaaga sheekaysay?
Suurto gal ma'ahan inaad Australia jalaato ku dhuuqdo adoo ka rradan taariikhda fiican ee dalkaaga
Ma dhooftay berigaas oo shisheeye ma u sheegtay dalka aad ka timid?
Beesha aqoonsiga aad la doonayso mashruuc digaaga lagu xanaaneeyo ma samayn karaan sodon sano oo ay nabad gelyo jaad ku cunayeen.
Markii lasoo koobo warkayga.
Suurta gal noqon mayso in lays barbar dhigo, ood amxaar jiiday xaabo ka daatay, iyo geed qurux badan oo xiddidkiisu fogaa, hooskiisana, wali la harsado.