Nasiib daro fikirka ninkaasu qabo waxaa la aaminsan soomaalida oo dhan (illaa man raximu-laah)
Maxaa u sabab ah in sidaa loo fekero?
Kow dastuurka waxaa lagu saleeyay qabiil ama 4.5 oo macnihiisu yahay beeshii madaxweynaha dhexe heshaa, jufada uu kasii dhashay, ha lagu tunto ama ha la dulmo, ayadoo sharciga federaalku dhigayo inaysan hadli karin maadaama wiilkoodu kursiga fadhiyo.
Muxuu kusoo kordhiyay qabiilkiisa intii uu farmaajo hogaanka hayay?
Waxaa diyaarado lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan asagoo ku mashquulsan masuq maasuq dhiigga reer muqdisho la fal galay
Dumar caano teel ahna waa la kufsaday ayadoo uu u fadhiyo shirka looga hadlayo gudniinka fircooniga ah iyo sidii looga dabar goyn lahaa dalka.
Axmed madoobe wuxuu ku takri falay maamulkii hoose iyo dhuxushii, asagoo ku koobay 5km, oo fadhi ku dirir dawladda dhexe ugu fillan.
Ilaa samankii siyaad barre beeshaasu waa dulmanayd intaan ka ogahay ayadoo soomaalidu ugu abaal guday neef kulul, oo waliba ku eedaynaya inay naaskii irmaanaa oo caanaha lahaa keligood dhuuqi jireen.
Wuxuu siyaad barre mashruuc fuliyay hal kuma lahayn gobolkaas loogu abtiriyay dariiq baabuur marana haku ahaado
Farmaajo waxaan kula talin lahaa wax kastoo soomaali u gasho kuugu abaal gudi maayaan wadadii adeerkaa ha qaadin oo ha isku darsan in taariikhdaadana la inkiro iyo inaadan reerkaaga wax uqaban.
Sawirkaa aadan cadde oo madaxa kuu saaran ku badel maxamed siyaad barre asagaa dalka abaal iyo xaqba ku leh, inta ordaysa ilaa waqooyi ilaa barri ilaa raas kasnbooni oo aad ku jirtana wax soo baray
Dastuurku wuxuu ogalyahay oo lagu heshiiyay in madaxweynuhu beeshiisa wax u qabto sharci daro ma'ahan mana xuma dhaqanka suuban sadaqadu waxay ka bilaabataa qoyskaaga oo weligiisba dulmanaa
Xassan sheekh ilaa No'4 ka bilaw shineemadii ekwatore ilaa gurigii khadiijo afarsano guduhood yuu ku kala tuurtay waa hanti ku qorran dumarkii u dhaxay ama marwooyinkii dalka iyo walaalahood.
Maantana soomaalidu waxay ku doodaysaa in loo darsaday oo aadan meesha waxba ku hayn.
Far kaliya fool ma dhaqdo meesha ama ka maqnow ama ka shaqayso oo qabiikaaga wax u qabo.