Dowladda inay faraha la dhex gisho muranka ka dhex aloosan Sacuudiga iyo Kanada kuma habooneyn. Soomaaliya ma quseyso, inkastoo dowladda ka tahay dhaqaale raadis dhanka Sacuudiga.
Sacuudiga siyaasad qalafsan oo qaabdaran ayee sanadahaan u dambeeye ciyaaraayaan, being empowered by seemingly by the Zionist in the White House. I can see Orange in the White House's fingers in this manufactured diplomatic crisis, especially Sacuudiga's disproportionate response.
If only this strong Sacuudi lashing was directed at the occupiers of Alqudus. But they are silent when it comes to them. They can only bully those that are allowed by the White House.
_____________________
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kanada oo ka hor-timid go’aankii dowladda Soomaaliya
Khamiis, Agoosto, 09, 2018 – Soomaalida ku dhaqan dalka Kanada qaarkood ayaa si xoogan uga hor timid go’aankii dowladda Soomaaliya ay isku barbar taagtay dowladda Sacuudiga oo khilaaf dhinaca Dibloomaasiyadaha uu kala dhaxeeyo dalka Kanada.
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dalka Sacuudiga islamarkana ay ka soo horjeedo fara-galin mar-naba lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.
Kanada ayaa ka dalbatay dowladda Sacuudiga sii deynta haween walaalo ah oo u dhaq dhaqaaqa xaquuuqdaha aadaha kuwaa oo lagu kala magacaabo Rayf Badawi iyo Samar Badawi, taasoo siweyn uga carreysiisay Boqortooyada Sacuudiga.
Jaaliyada ayaa sheegtay in go’aankan ay qaadatay dowladda Soomaaliya uu yahay mid lagu deg degay, iyaga oo sheegay in Kanada ay marti-galisay tiro badan oo Soomaali, loogana baahnaa dowladda Soomaaliya ku ixtiraamto dowladda Kanada sida wanaagsan oo ay u soo dhaweysay dadka Soomaaliyeed, mar walba-na ka fiirsato go’aammada siyaasiga ee la xiriira arrimaha dibadda oo ay qaadaneyso.
Qaar badan oo ka mid ah xubnaha golaha Wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa iyagu heysta dhalashada dalka Kanada waxaana ka mid ah Wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad oo soo saaray go’aan-kan lagu taageeray Sacuudiga.
Xigasho