Waxyaabihii muhiimsanaa dhaqankooda waaka booday.
Koow: Waa dad shaqada aad ugu dadaalo, shaqadee tahayba. Shaxaad dhaqankooda ma'aha, ceeb ayeena u arkaan shaxaadka.
Laba: Balwadaa ku yar, siiba dagaaladii ka hor, waana dad qunyar socod ah oo muuminimada ku adag, waa sidee macalin dugsiga ugu badanyihiin.
Sadex: Fadhi ku dirir kuma arkeysid, xataa maalmahee fasax yihiin fadhi ku dirir iyo qabyaalad waqtigooda kuma dhuminayaan. Xataa online Soomaali forums and baraha bulshada kuma arkeysid haddaa si fiican u fiirisid. Qabyaalad iyo reer difaac in meel lala soo fariisto yax yax ayeeba la tahay.
Dhaqanadaas kor ku soo sheegay waxee la wadaagaan Reer Koonfurta qaarkood, sida Reer Banaadiriga, Reer Xaayoow, Jareerweyne iyo Reer Waamo. Waxaa keenana waxee tahay reer guuraa ma'aha. Reeraha deegaankooda tabcada (sida beeraha iyo malaayga) wey ka dhaqan duwanyihiin geeljirta, camalkoodana aad u deganyahay.