Soomaalidu badda doon yar bay ku gashaa oo makiinad 150 ah saarantahay ama ka yar, markii dabaylu jirtana maba aadi karaan.
Carabtu waxay ka mid tahay umadahaas dhacaya khayraadka dadkaa reer guuraaga ah oo jecaylka wayn u qaaday inay seexdaan guri nin kale dhistay ama lagu marti qaado.
Aqoonyahanka soomaalidu badankoodu waxay ku doodaan in imaaraadka laga maarmin wakhtiga la joogo, baahi badana loo qabo, biyo la'aan ba'anu jirto oo umadduna daciif tahay.
Waxayna ku baaqeen in lasii seexdo inta daciifnimada laga buskoonayo, shaqo abuurkana la sugo intay dekadaha la wareegayaan.
imaaraadku intuu ka faa'iido soomaalida kama faa'iido umana dhawa, waana tan u fududaysay inuu u hawooda la wareegidda dhaqaalaheeda iyo siyasaddeeda labadaba, asagoo maqaar saar ka dhiganaya hogaamiye goboleedyo uuk ka dhigtay dawlado madax banaan.
Soomaaliya waa wadanka labaad oo ganacsiga ugu badan kala dhaxeeyo imaaraadka, marka laga reebo iiraan oo bahalo nalooga dhigay, ayagana ganacsigoodu uusan marnaba kala go'in ilaa wakhti fog, laguna tilmaamay kan kowaad.
Taariikh aan fogayn soomaaliya waxay taakulayn jirtay imaaraadka xoolaha nool haddii la waayana waxay qaadan jireen madaxooda oo wax lacaga aan la waydiin jirin
Masdarka noloshoodu wuxuu ku xirnaa kaluunka inta xadirigaa oo badda dhaqan taqaan
Kuwa badawigaana abeeso cagalay nooc ka mida iyo dhawr halaad oon irmaanayn,ama caano lahayn, bay ag fadhiyi jireen geed ay harsadaana ilaahay dhulkooda wuu ku yareeyay.
Qani-nimadu waa qalbiga iyo qaneecada aad ku qanacdo rabbi intuu kuu qorsheeyay.
Damiirku ma samaysmo dad la'aan dadka noloshiisuna qiimo ma leh damiir la'aan.