Saxiib dooduhu inta badan ayadoon laysu soo dhawaan bay dhamadaan waxayna ka mid tahay xal la'aanta iyo arigtada gaaban oo aqoonyahan iyo caamaba laysla hor fadhiyo
Adiga shakhsiyan waxaa kuugu wacan khibrad la'aanta kaa haysa habka maamulada somaaliya ku dhisan yihiin dhamaantood, uma dhawa dimuquraadiyad,qof iyo cod, dhaxanta iyo taagnida yaa ilaahay shacabkaas la maagay mooyee sanduuqa waxaa ku qoran jufadii madaxweynaha aad dooran lahayd, waana tan reer oodweyne ka dhigtay dad la dulmay.
Tan farmaajo koonfurta shaqo badan baa taal saaxiib fuusto buuxda nin kaliya bacaad kuma riixi karo.
Wada hadal snm iyo see u kala go'naa shaqo nin wayn ma'ahan hadal wanaagsanna wuu u sheegay oo aan xanaf keenayn ilaa marada geedka ilaahay uga fujinayo.
Shacabka waqooyi dhamaantiis wax yar mooyee wuxuu rimanyahay midnimo cid kale ka waraysan maayo saaxiib, balse mataano meel qodax leh laguma dhali karo sidaad adiguba sheegtay.
Snm way ogyihiin inay miino ku fadhiyaan waxayni la kici markay koonfurtu hagaagto, taa macnaheedu ma'ahan dagaal, shacabku waa is rabaa mana kala maarmo waa siday iigu qalbi warameen xukun milatarina sagaashankii yaa ugu dambaysay way la socdaan inuusan soo noqonayn.
Tan reer garoowe iyo dagaalka aad ka dalbatay, xinyahooda ma tusi karaan reer sool waxa hor taagan waa dadkii dhulka lahaa ayagaana taladu ka go'daa hadday snm lasii joogayaan inta gugu curanayo iyo haddii kaleba
Reer burco iyo hargaysa waxba kama dhexeeyaan, waligoodna dagaalka ma jeclayn, xanta hoose siyaasaddiina wuu ku fashilmay hogaankoodu.
Suldaan
Buuhoodle kamasoo wareegin iyo dhanka itoobiya socdaalkaygu wuxuu ka bilawday ceelkii "waadaamo goo" oo adeerkaa deganaa, waxaan u malaynayaa inay buuhoodle ii jirtay 20 illaa sodan dhanka qorax u dhaca haddaanan qurbaha ku dayoobin, mana tagin.
Laascaanood waan tagay waa dal wanaag badan ka muuqday allaha u siyaadiyo labada dhinacba ganacsi fiican ku leh
Ragga culus oo saxaafaddu taqaano anigu kuma jiro saaxiib, meelna kama gabado, dabaqadda hoose iyo tan dhexe labadaba gacantaan saxanka la gashadaa, kuwa sarana waligay lama cashayn mana jecli dhaqamadooda.