Oodwaynow
Hadalkaagu wuxuu u badan yahay fadhi ku dirir, waaqacana waad ka fogtahay
Qabiil dagaal si toos ah u wadi kara 2saac ma joogo soomaaliya oo dhan,niyad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.
waxaan aad qaranka ku sheegayso waa qabiil, iska daa gaalkacyee, reer miyiga ku dagaalama ceel-afweyn makala celin karaan,sababtoo ah ayagoo tuutaha snm labisan bay dakano u keeni beeshooda.
Waa wax laysku dhoodhoobay qaran soomaaliya kama jiro saxiib xaqiiqdu waa taas biyo kuma dhibcaankaa.
Puntland fursadeedu waxay ahayd abo, sadex ma'ahayn aragtidayda
Kow inay markeeda horaba la yimaadaa nidaam beelohoo dhan ku midaysanhihiin Ssc iyo laasqoray caluula iyo beel kastaba, lagana dhigin beelo boqortooyada un ilaaliya,
Sharci tiir adag iyo dastuur adagna samayso, maysan yeelin, ilaa iyo hadana hogaanku waa meerto ilmo sulaymaan ku kooban.
Runtii waa niman ladan oo qabow intooda maamulka iyo leefkaba haysata, dagaalkana ma jecla siday ii sheegeen qaarkood.
fursadda labaad waxay ahayd inay aqoonsadaan khaatumo, oo ka dhul iyo gobolo badan gal-mudug.
Taasna maysan yeelin, taa badelkeeda waxay xoogga saareen inuusan maamul kale u dhaxayn ayaga iyo snm.
Arintaasu waxay keentay, colaad siyaasadeed xiddido fog oo dhex marta sool iyo garoowe, rag badan oo ku mayal adkaa soomaali weyna daciifisay.
Intaasu waa xogta dhabtaa saaxiib saxan badhan oo lagugu sooray saxaafadda ha ugu yeerin.
Tan cuqdada shacabka waqooyi galbeed cuqdad ma qabaan waan kugu raacsanahay mushkiladdu waa nadaamka oo markay baryo joogaanba sheeko cusub keena hadday waayaan waxay sheegaana, qabuuraha lafo u doona.
Nalka wayn yuusan koranto badan kaa dhamayn saaxiib, aakhirka way hagaagi, waxaadna ogaataa soomaaliyoo dhan dad kale yaa u fekera, ayaga fekerkoodu ma dhaafo beesheena qarran ma la moodaa?!!
Hadday kala goyn lahaayeen iyo hadday isku meel ku masruufi lahaayeenba kubaddu beesha caalamka bay hortaalaa goolhaye la'aan.
Suldaan
Odaygu waa oodweynoo kale dagaalka afku waa ka jiraa meel walba, cumaamaddu hadday dhulka ku dhacdo waa laga jaftaa, waagay qiimaha lahayd waa lagasoo gudbay.