DEG DEG: Dowladda Farmaajo oo 4000 oo Askari ka qoranaysa duleedka magaalada Burco
Wararka Warsidaha Puntlandnews.net uu haatan ka helayo magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka bilowday deegaano hoos taga magaalada Burco qorista ciidamadii ugu badnaa abid. Deegaanada ciidamadani laga qorayo ayaa waxaa kamid ah degmada Buuhoodle ee gobolkaasi Togdheer iyo sidoo kale deegaanada ku hareeraysan, iyadoona hirgelinta qorshahani ay masuul ka yihiin shakhsiyaad kasoo jeeda deegaankaasi kuwaas oo xilal kala duwan ka haya dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isku af gartay in ugu yaraan 5000 oo Askari laga qoro deegaanada Buuhoodle, kuwaas oo qayb ka noqon doona xoojinta amaanka dalka iyo sidoo kale hawlgelinta nidmaanka dowladdnimo oo sanadkani xukuumadda federaalka Soomaaliya ay wada qorshaysay in ay gaadhsiiso guud ahaanba dalka Soomaaliya. Dhanka kale warar hoose oo ay heshay Puntlandnews.net ayaa tibaaxaya in ciidamadani ay qayb ka ahaan doonaan dhismaha maamul cusub oo loo dhisi doono dhawaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle kaas oo ay qayb ka tahay dhismihiisa dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii hogaamiyaasha dhaqanka deegaanadaasi iyo madaxda dowladduba ay isla af garteen qorshaha dhismaha maamulkaasi cusub.
Hirgelinta qorshahani ayaa dhabar jab xoogan waxa uu ku yahay maamulka Somaliland, waxaana dhici karta xili walba in dagaal uu dhex maro dhinacyada Somaliland iyo ciidamadani ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Magaalada Buuhoodle ayaa kamid ah magaalooyinka inta badan ay ka jiraan siyaasadaha is diidan sidoo kalena ay ku wada loolamayaan maamuladda dalka, waxaana maamuladaasi kamid ah maamulka Somaliland oo sheegta ka ariminta magaalada Buuhoodle, waxaana dhawaan deegaankaasi gaadhay wasiirka Hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland oo dhalasho ahaan kasoo jeeda deegaankaasi walowse aanan loo muujin taageero weyn iyo astaanta maamulka uu ka socday ee Somaliland.
Puntlandnews